publicité

vendredi 20 février 2015

DAWACO IYO DURBAAN - Le chacal et le tambour

Conte Somalis

Waxaa la yiri beri baa waxaa jirey dawaco si qarsoodi ah inta beer nin
leeyahay u gashay ka xadi jirtey miraha ka baxa.

Maalin maalhama ka mid ah bay dawacadii maqashay cod ay ka yaabtay
waxa uu yahay. Dawacaddii ma ogeyn in ninkii beerta lahaa, markii uu
arkay in mirihii laga xaday, geed ka soo laalaadiyey durbaan markii
dabayshu ruxdaba ku dhacaya geedka jirriddiisa, si codkiisa weyn
shimbiruhu uga cararaan beerta oo u cinin miraha ka baxay.

Dawacadii baa aragtay durbaankii weynaa oo mooddey neef ari ah oo
buurani in uu ku dhexjiro oo ka ciyayo. Miciyahii iyo ciddiyohii
dheerdheeraa bay dawacadii ku jeexjeexday durbaankii, waxayna ogaatey
in uu weel maran yahay.

Armaaba waxyaalaha jira kan ugu qiimaha xumi yahay midka ugu
qaylada dheere ugu buuran bay dawacadii isku waansatey, baa la yiri.


Un jour, un chacal affamé entra dans un jardin pour voler des fruits.
Le propriétaire du jardin, constatant que ses fruits avaient disparu,
accrocha à un arbre un énorme tambour, que le souffle du vent faisait
bouger et retentir.

Les oiseaux, épouvantés, n'entrèrent plus dans le jardin, mais le chacal,
très curieux, s'en approcha quand même :

- Quel bruit assourdissant et bizarre ! je parie que dans ce gros tambour
  quelqu'un a caché une chèvre. Ce sont sûrement ses sabots qui produisent
  cet horrible bruit ! pensa-t-il, en se lançant de toutes ses forces contre
  l'étrange instrument.

L'ayant déchiré, le chacal découvrit que le tambour était vide. Il se
consola en se disant :

- Eh bien, les choses qui font le plus de bruit sont souvent celles qui ont
  le moins de valeur !

Sheekooyiin - Contes Somalis - Axmed Cartan Xaange - L'Harmattan 

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire